Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaallaha H.E. Amb. Gamal Mohamed Hassan, Wasiirka Amniga gudaha H.E. Mr. Mohamed Abukar Islow iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud ayaa maanta si diirran ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Qatar oo uu hoggaaminayay Mr. Khalifa Jassim Al kuwari oo ah Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee horumarinta.
Wafdiga Dowladda Qatar ka socda oo ka kooban illaa iyo shan xubnood ayaa la kulmi doona Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Hassan Ali Khaire, iyadoo wadahadallo waxgal leh uu dhici doono inta lagu gudajiro kulamada la qorsheeyay.