Waxaa maanta si rasmi ah xarriga looga jaray xarunta Militari ee dalka ka hergalisay dowladda Turkiga, taasi oo dhismaheedu uu socday tan iyo 2015-kii, waxaana la sheegay inay ku baxday lacag gaaraysa $50 million oo doolarka Maraykanka ah.
Munaasab xarriga looga jarayay waxaa lagu qabtay dhismaha akadheemiyadda cusub, waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federal ka ah ee Soomaaliya, taliyaasha sar sare ee ciidamada Soomaaliya, taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dalka Turkiga, diblumaasiyiin Reer galbeed ah, kuwo African ah iyo kuwo carab ah.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federal ka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dalka Turkiga Hulusi Akar ayaa si rasmi ah xarriga uga jaray xarunta.
Hoos ka arag sawiro xul ah oo laga soo qaaday munaasabadda furintaanka xarunta.