Daawo Sawirada Madaxwayne Farmaajo Qaahira kula kulmay dhiggiisa dalka Masar

943

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federal-ka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golayaasha dowladda oo maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, ayaa gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

Madaxwaynaha ayaa waxaa soo dhoweeyay dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax el-Sisi.

Labada madaxwayne ayaa Kulan Ku yeeshay xarunta madaxtooyada dalka Masar.

Waxaa ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin siyaasadda, dhaqaalaha, Iskaashiga, Waxbarashada iyo kuwo kale.

Daawo Sawirada soo dhowaynta iyo shirka labada Madaxwayne.