Daawo sawirada madaxda dowladda oo Muqdisho kula kulmay madaxa siyaasadda QM

912

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman oo Muqdisho soo gaaray, isagoo dhinaca kale kulan sharafeed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Kulanka R/Wasaaraha iyo wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda dawladda ee 2020, amniga, dhaqaalaha, dastuurka, xiriirka dawlad gobolleedyada iyo Dawladda dhexe. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaana uga mahad celiyay taageerada ay mar walba Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka la garab taagan yihiin Soomaaliya.