Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubaland.
Wafdigan oo uu hoggaaminaya guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxmed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa lagu soo waramayaa in si weyn loogu soo dhaweyey garoonka diyaaradaha magaalada Kismayo ee gobalka Jubbada Hoose.