Daawo sawirada Danjirayaasha Sweden iyo Austria oo warqadaha aqoonsiga laga Guddoomay

1100

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka Waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee Wadamada Sweden iyo Austria u qaabilsanaan doonna Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Yuusuf garaad cumar oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in danjiraha Dowladda Austria ay soo dirsatay  uu yahay Safiirkii ugu horreeyey ee Dowladdaasi usoo magacowdo Soomaaliya, talaabadaas ayuuna Wasiirka ku tilmaamay mid  taariikhi ah oo dhabbaha  u xaareysa Xiriirka labada Dal.