Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Isniin ah saxiixay sharciga isgaarsiinta Qaranka.
Bandhigga Saxiixa Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada, (Villa Soomaaliya) ee magaalada Muqdisho.
Bandhigga Saxiixa waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Cabdi-Weli Ibraahim Sheekh Muudeey, Raiisul wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamuud Guuleed, wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda, xildhibaanno, aqoonyahanno iyo khubaro horay uga soo shaqaysay diyaarinta sharcigan.
Wasiirka Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknaloojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in sharcigaan uu yahay sharcigii ugu wakhti dheeraa dhanka ansixinta maadaama laga soo shaqaynaayey tan iyo sanadkii 2005tii taas oo muujinaysa ahmiyadda uu u leeyahay dalka.
Hoos ka arag sawirada munaasabadda lagu saxiixayay sharcigan