Daawo: R/wasaaraha Canada oo hambalyada 1-da luulyo usoo diray dadka Soomaaliyeed

652

Ra’isulwasaaraha  dalka Canada Justin Trudeaua yaa muqaal goor dhowayd uu soo dhigay bartiisa facebook-ga waxa uu ugu hambalyeeyay shacabka soomaaliyeed iyo waliba muwaadiniinta dalkiisa ee Somali-Canadian munaasabada 1-da Luulyo oo maanta ku beegan.

Trudeau R/wasaaraha dalka Canada ayaa muqaalka uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa ku wehlinayay wasiirka socdaal Canada ahna nin soomaali ah oo xilka ka haya dalkaasi,waxaana labadooda ay muqaalkan ugu hambalyeeyeen Shacabka soomaaliyeed munaasabada Kowda Luuliyo.

Munaasabada 1-da Luulyo oo ah 58-aad ee ka soo wareegay markii gobolada Koonfureed 01 July 1960-Kii, ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga, Islamarkaana ku asteysan Israacii Labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ayaa maanta laga xusayaa qeybo kamid ah dalka iyo daafaha caalamka.

SHARE