Daawo: MD Farmaajo oo tilmaamay in Dowladiisu ay soo afjartay faragalintii Dowladdaha Dariska ah

732

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa ka hadlay Isbeddelka siyaasadda iyo Dhaqaalaha geeska Afrika iyo faa’idada ugu jirta Shacabka Somaliyed.

Hadal uu Warbaahinta ugu talagalay, ayuu ku soo hadal qaaday kulamadii u dnabeeyay ee yeeshaan dalalka dhaca Geeska Afrika, gaar ahaan Wadamada; Itoobiya, Somaliya iyo Eritrea, Madaxweyne farmaajo waxa uu tilmaamay in guulo muhiim ah laga gaaray kulamadii Asmara iyo Adis-Ababa.

“Shirkii ugu horeeyay ee saddex geesoodka ahaa waxaan ku qabsanay Asmara, Eretria, kii labaad waxa uu ahaa isbuucii la soo dhaafay Bhar Dar Ethiopia, kan saddexaadna waxa uu ka dhici doonaa Soomaaliya, haddii uu Alle yiraahdo”. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Jabuuti, ayuu sheegay iney suura gal tahay iney ka soo qeybgasho Kulankan Muqdisho ka dhacaya, Waloow aaney goob joog ka eheyn labadii kulan ee u danbeeyay.

Dhinaca Kale, Madaxweynaha waxa uu soo hadal qaaday Isbadalka ka dhacay dalka Itoobiya 10-kii bilood ee la soo dhaafay oo uu xafiiska maamulayay Ra’iisul Wasaare Abiye Ahmed.

Itoobiya, ayuu sheegay iney faragelin toos ah ku heysay dalkan, balse sanadihii danbe laga baaqsaday arintaasoo, taasoo ku timid dadaal ay bixisay Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.