Muqaalkani waa qeyb ka mid ah hadaladi kul kulula ee ay Maanta is dhaafsadeen Xubnihi ka hadlay Kulanki Golaha Aqalka Sare ee lagu go’aamiyay in Dib loo dhigo ka hadalka kiiska Qalbi Dhagax ee maalmihii ugu dambeeyay hareeyay laba aqal ee dowladda Soomaaliya, warbaahinta maxaliga ah iyo baraha bulshadda.
Inta badan shacabka Soomaaliyeed ayaa muujiyey sida ay uga xun yihiin dhiibista Abdirakiim Qalbidhagax oo dowladda Soomaaliya ay u gacam galisay Ethiopia iyadoo war ay isbucii la soo dhaafay ay soo sareen golaha wasiiradda Soomaaliya lagu sheegay in Jabhadda ONLF iyo Abdikariim Qalbi dhagax ay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab inkastoo warkaasi ay beeniyeen Jabhadda ONLF.
Arrinta Qalbi-dhagax ayaa noqoneysaa markii koowaad oo muwaadin Soomaali ah ay dowlad Soomaaliyeed u dhiibto Ethiopia.