Koox daanyeerro ah ayaa weerar ku qaaday shaqaale sheybaar oo waday dhiigag dad qaba cudurka Corona Fayras iyaga oo la baxsaday dhiigagii.
Waxay taasi keentay in dadka ku dhaqan aaggii falku ka dhacay ay dareemaan baqdin la xiriirta in daanyeeradu waashaan oo dadka halistu gaarto amaba cudurka faafo.
Weerar u dhacay sida ay mooska u dafaan ayaa daanyeeradu waxay sheybaariista ka duldageen isaga oo doonaya in uu wadada u gooyo dhanka kuleejka caafimaadka Meerut ee dowladdu maamusho una dhow Delhi ee dalka Hindiya, waxa uuna siday sanduuq dhiigag ay ku jiraan oo baaritaan loo waday.
Daanyeerada ayaa dafay lana cararay dhiigaga afar qof oo qabtay cudurka Corona kuwaas oo lagu dabiibayo isbitaalka.
Daanyeerada ayaa la arkayay iyaga oo geed saaran isla markaana furaya dhiigag baaritaanka loo waday, taas oo dadka walaac ku abuurtay.