Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar manta oo Arbaco ah lagu qaaday xarunta Hay’adda Caruurta taageerta ee laga leeyahay dalka Britain ee lagu magacaabo Save The Children.
Daacish waxaa ay sheegtay inay ayagu mas’uul ka yihiin weerarka lagu qaaday xarunta Hay’adaasi eek u taala magaalada Jalalabad ee dalka Afghanistaan, ayagoo sheegay inay weerareen hay’ado British iyo Swedish ah.
Warbaahunta dalka Afghanistan oo ay ka mid tahay Pajhwok Afghan News ayaa waxaa ay ku warameen in weerarka lagu dilay labo ruux oo kala ahaa Qof Boolis ah iyo qof Shacab ahaa.
Weerarka ayaa waxaa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay kaasi oo uu wade ka ahaa qof Ismiidaamiye ah, inkastoo qaraxa ka dib sida la sheegay weerar toos ah uu bilowday.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in sidoo kale weerarka ay ku dhinteen 2 ka mid ahaa dagaalyahnada kooxda Daacish ee weerarka ka dambeeyay la dilay halka 12 ruuxna sidoo kale ay ku dhaawacmeen.
Dalka Afghanistan oo ah dal ay dagaallo ka oogan yihiin tan iyo sanadihii 80-maadkii ayaa waxaa uu ka mid yahay mid qarow ku ah shaqada hay’adaha gargaarka, ayadoo weerarkan uusan ahayn kii ugu horeeyay ee lagu qaado xarumaha hay’adaha gargaarka ee ka howl-gala dalkaasi.
Hay’adda Save The Children ayaa sheegtay in weerarka ka dib ay joojisay dhammaan wixii shaqo ahaa ee ay ka waday dalka Afghanistan islamarkaana howlahooda ay dib u bilaabi doonaan marka ay dareemaan jawi ay ku howlgali karaan.