Daacish oo sheegatay masuuliyada weeraradii Sri Lanka

707

Weeraradii bambooyiinka ahaa ee Axadii lagu qaaday Kaniisado iyo hoteelo caan ah oo ku yaalla caasimadda dalka Sri Lanka ee Colombo ayaa ahaa ayaa ahaa mid looga aargoosanayay weerarkii dhawaan lagu qaaday masaajido ku yaalla dalka New Zealand, sida uu sheegay wasiirka difaaca ee Sri Lanka.

Wasiirka difaaca Ruwan Wijewardene ayaa hadalkaan u sheegay siyaasiyiin ku sugnaa Baarlamaanka isagoo oo aan wax caddeyn ama sharaxaad ah ka bixin meesha xogta weerarada ka timid.

Weeraradii qaraxyadii is xigxigay we Axadii lagu qaaday Kaniisado iyo hoteelo ku yaalla dalkaasi ayaa lagu dilay 321 ruux iyadoo in ka badan 400 kale ay ku dhaawacmeen.

“Baaritaannada hordhaca ah waxay caddeeyeen in wixii Sri Lanka ka dhacay ay aargudasho u ahayd weerarkii ka dhanka ah Muslimiinta maagalada Christchurch, laakiin waxaan sii wadeynaa baaritaannada,” ayuu yiri Wijewardene.

50 qof ayaa lagu dilay weerar toogasho ah oo ka dhacay labo masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch ee dalk New Zealand bishii March 15-keedii.

Warka soo baxay xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern ayaa sheegay in ay ka warqabto wararka sheegayo in weerarkii ka dhacay Christchurch la xiriray weerarada Sri Lanka.

Koox aan aad loo aqoon oo lagu magaacabo, National Thawheeth Jama’ath (NTJ), ayaa la xiriiriyay weerarada ka dhacay Sri Lanka Axadii kuwaasi oo ahaa kuwii ugu xumaa dalka ka dhaca tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii Sokeeye sanadkii 2009-ka.
Sidoo kale, kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka ee loo yaqaano Daacish (ISIS) ayaa sheegatay masuuliyada weerarada sida ay faafisay shabakad warbaabin oo taabacsan oo lagu magaacabo Amaq News Agency.

Ra’iisul wasaaraha Ranil Wickremesinghe ayaa shir jaraa’id ka sheegay inuu rumaysan yahay in weerarrada maalinta Axada ay xiriir la leeyihiin Daacish, hey’adaha amniga ee dowladduna ay dabagal ku hayaan dadka Sri Lankan u dhashay ee ku biiray kooxda hubaysan ee Ciraaq iyo Suuriya dagaalanta ee dalka ku soo gurya noqday.