C/xakiin Camey: Shirka Kismaayo dan uma aha ummadda Soomaaliyeed

1084

(UM) Garoowe- Madaxweyne K/xigeenka Puntland C/xakiim Xaaji cumar Camey, ayaa ku tilmaamay shirka lagu baaqay in Kismaayo lagu qabanayo ee Madaxweynayaasha maamul goboleedyada inuu yahay mid aan maslaxad ugu jirin dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Shirkan oo uu ku baaqay Madaxweynaha jubbaland Axmed Madoobe, ayuu madaxweyne K/xigeenku ku baaqay  in dib loo dhigo, oo dhinacyada wax tabanaya iyo dowladda Federaalku ay shir isugu yimaadaan Magaaladda Muqdisho oo la xaliyo waxyaabaha la isku khilaafsan yahay

“waxaan ku talin lahaa shakiga laga qabo dowladda federaalka ka baxo, oo wadahadal looga saaro runtii Waxaan u malaynayaa marinka hadda loo marayo ee la sheegayo inuu yahay marin aad u khaldan oo ummadda Soomaaliyeed aysan jeclaysan doonin, Madaxda qaranku miiska wadahadalka ha iskugu yimaadeen wixii khaladaad ah ha laga heshiiyo, haddii ay jiraan wax lagaga cabanyo dowladda federaalka, la inooga kala turjumi maayo, waa in si toos ah loo abaaraa oo Xamar la isugu tagaa” ayuu yiri Madaxweyne K/xigeenka Puntland

Madaxweyne K/xigeeka oo maanta u duulay Magaaladda Muqdisho ayaa si gaar ah wuxuu  talo ahaan ugu soo jeediyay Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo inuu qaato  doorkiisa hoggaamineed ee kaga aadan khilaafaadka soo kala dhexgalay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadda Dalka.

Toddobaadkii Hore, Maamulgoboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ayaa war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen waxay ku eedeeyeen dowladda Federaalka inay faragalin ku hayso Maamul goboleedyadda, gaar ahaa xiisaadii siyaasadeed ee ka dhex aloosan tahay madaxda sare ee Maamul goboleedka Galmudug.