Muqdisho – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.
Guddoomiye Finish iyo James Swan ayaa kulankooda uga wadahadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xoojinta amniga Caasimadda iyo taageerada Qaramida midoobay ee xaqiijinta nabadgalyada.
Sidoo kale waxaa kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha horumarinta sida dhismaha Waddooyknka, Kobcinta dhaqaalaha, Shaqo abuurka, dhalinyarada iyo xal u helista arrimaha Barakacayaasha ee ku nool Caasimadda.
Mr Swan ayaa dhankiisa xusay in ay xoojin doonaan wadashaqaynta tooska ah ee ay kala dhexeysa Maamulka Gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee ku taalla xerada Xalane ee xayn daabka garoonka diyaaraha ee Muqdisho.
24 Bishii July ee sanadkaan ayay ahayd markii James Swan uu xarunta Gobolka Banaadir uu booqday halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Eng. Yarisoow Guddoomiyihii Gobalka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho oo isla maalintaas qarax ismiidaamin ah loogu geystay xaafiiskiisa oo isbuucyo kaddib dhaawicii ka soo gaaray uu u geeriyooday.