Cumar C/rashiid oo beeniyay in dowladdii hore ay wax ka ogayd heshiiska Dekadda Berbera (Daawo)

744

Raiisul wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa faahfaahin ka bixiyay hadalkii dhawaan kasoo dowladda Imaaraadka Carabta ee ahaa in ay heshiiska ku saabsan dekedda Berbera ay galeen Xukuumaddihii hore ee Soo maray Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in uusan jiran wax heshiis ah oo ay wada gaareen Xukuumaddii hore ee uu hoggaamin jiray iyo dowladda Imaaraadka oo ku saabsan Berbera.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in uu aaminsan yahay in heshiiskaan uu dhacay wixii isaga ka dambeeyay.

Raiisul wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa sidoo kale wareysiga uu siiyay VOA-da ku sheegay in hadda hab xan ah wax loo maamulaayo.

Waxaa uu sheegay in aysan qarsoomi doonin cidii gashay heshiiskaan, islamarkaana dowladda Imaaraadka Carabta laga doonaayo in ay cadeyso.