Culimada islaamka gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Tunisia, ayaa si xoog leh uga hor-yimid isku dayga madaxwaynaha dalkaasi Baji Caa’id Asobsi uu Ku doonayo inuu Ku mideeyo xuquuqda Ragga iyo Haweenka.
Madaxwaynaha ayaa maalinta haweenka Qaranka dalkaasi hadal uu ka jeediyay ayaa sheegay inuu midaynayo xuquuqda Ragga iyo Dumurka gaar ahaan dhanka dhaxalka.
Hadalka hogaamiyaha Tunisia ayaa waxaa cambaareeyay culimada islaamka.
In ka badan 23 ka mid ah culimada islaamka kuwooda ugu caansan ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay kaga soo horjeedaan hadalka madaxwaynaha.
Abbas Shuman, oo ka mid ah culimada jaamacadda Azhar ee magaalada Qaahira ayaa sheegay in hadalka madaxwaynaha, isagoo sheegay in diinta islaamka raad aysan Ku lahayn in xaqa dhaxalka Ragga iyo Dumarka la simo.