Shiinaha ayaa ku dhawaaqay tallaabo ku meel gaar ah oo lagu mamnuucayo dhammaan ajaanibta booqanaya dalkaas, xitaa haddii ay haystaan dal ku galka ama degganaasha dalkaas.
Dalkaas ayaa sidoo kale xaddidaya duullimaadyada diyaaradaha Shiinaha iyo kuwa dalalka kale, isagoo ku amray inay toddobaadkii sameeyaan hal duullimaad, iyo in diyaaraduhu aysan buuxin in ka badan 75%.
Inkastoo Shiinaha uu shalay shaaciyay kiiskii ugu horreeyay ee coronavirus ee gudaha dalkaasi, muddo saddex maalmood ah, haddana inta badan dhammaan kiisaska cusub waxay noqdeen kuwo laga qaaday dad dibadda ka yimid.
Waxaa Shiinaha laga soo sheegay shalay 55 kiis oo cusub – kuwaas oo 54 ka mid ah ay bannaanka ka yimaadeen.
Waa maxay shuruucda cusub?
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa sheegtay inay “joojineyso in ajaanibta ay galaan dalkaas” sababo la xiriira “faafitaanka degdegga ah ee uu Covid-19 ee dunida”.
Tallaabadan ayaa saameyneysa dadka haysta dal ku galka iyo deganaashaha dalkaas, balse kuma jiraan diblomaasiyiinta ama dadka haysta dal ku galka badanaa la siiyo shaqaalaha diyaaradaha.
Dadka ka shaqeeya “baahiyaha bani’aadannimo ee degdegga ah” ama kuwa ka shaqeeya howlaha kale ee muhiimka ah ayaa codsan kara in loo oggolaado inay dalkaasi galaan.
Inkastoo shuruucdan ay u muuqdaan kuwo aan la rumeysan karin, haddana shirkado diyaaradeed oo ajnabi ah oo badan ayaa joojiyay inay Shiinaha u duulaan – magaalooyiin badan ayaana dhaqan geliyay tallaabooyinkaas.
Bishii la soo dhaafay, tusaale ahaan, Beijing ayaa ku amartay qof walba oo magaalada ku soo laabanaya inuu galo 14 maalmood oo karantiil ah.
Waa sidee xaaladda coronavirus ee Shiinaha?
Inkastoo fayraska uu ka soo bilaamay Shiinaha, haddana kiisaska fayraska ee dalkaas waxay ka yar yihiin kuwa Mareykanka, sidoo kale tirada Shiinaha ku dhimatay waxay ka yartahay midda Taliyaaniga iyo Spain.
Kiisaska coronavirus ee Shiinaha waxay gaartay 81,340, iyo 3,292 dhimasho ah, sida uu maanta xaqiijiyay Guddiga Caafimaadka dalkaas.
Guud ahaan, 565 ka mid ah kiisaska la xaqiijiyay ayaa la sheegay in bannaanka laga keenay, oo ay keeneen ajaanib ama muwaadiniinta Shiinaha ee dalkaas ku laabtay.
Hubei – oo ah gobolka uu markii hore ka dillaacay fayraska – lagama soo sheegin kiisas cusub.
Xayiraadda lagu soo rogay caasimadda gobolkaas ee Wuhan, oo dhaqan gashay bishii January, ayaa la sheegay in la khafiifin doono 8 April.
Xigasho: BBC Somali