Aqalka wakiilada Mareykanka ee Congresska ayaa meel mariyay xirmo cusub oo dhaqaale oo gaareysa 484 bilyan oo Dollar taas oo lagula tacaalayo xanuunka Corona .
Waa xeerkii afaraad ee kaalmo dhaqaale oo Congress-ka meel mariyo tan iyo intii uu dillaacay cudurka safmarka ah ee Corona.
Xeerkaan oo ay meel mariyeen 388 wakiil oo congress-ka ah halka ay diideen shan xubnood ayaa dhameytiraya sanduuqa gargaarka ganacsiyada yaryar iyada oo sidoo kalena uu caawinayo isbitaalada iyo hawlaha tijaabada.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in xeerkaan oo Senateka ama aqalka sare ee Mareykanka ay soo ansaxiyeen talaadaadii uu saxiixi doono.
Mareykanka ayaa laga helay kiisas gaaraya 845,000 iyo 46,800 oo dhimasho ah. Bishii la soo dhaafay Mareykanka ayaa meelmariyay xirmadii dhaqaale ee ugu weyneed oo lagu taageerayo dhaqaalaha Maraykanka. Labo Trillion oo dollar ayaa loogu talogalay in lagu kiciyo dhaqaalaha Maraykanka.
Xirmadaan khamiista la meelmariyay ayaa gaarsiineysa lacagta Mareykanku ku khasiray gargaarka cudurka Carona sadex Trillion oo dollar taas oo sare u qaadday hoos u dhac ku yimid Miisaaniyadda Mareykanka.
Madaxweyne Trump iyo xubnaha xisbiga dimuqraadiga ayaa aad u daneynaya in ay meel mariyaan kaalmo kale oo gaareysa hal Trillion oo dollar, laakiin xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa ka caga jiidaya meel marinta kaalmo kale.