Congo oo wasiirada xilal ka qabta u qortay mushaar ay qaadan doonaan inta noloshooda ka dhiman

45

Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa soo saartay wareegto mushaar joogto noqon doona loogu qoray wasiirada xilalka ka qabta xukuumadda dalkaas.

War qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Congo ayay ku sheegtay in wareegtada aan looga dan lahayn in wasiirada looga dhigo qani ah.

Labo wareegto oo ka soo baxday dowladda Congo ayaa wasiiradii horay xilalka u qabtay waxaa loogu qoray lacag gaareeysa 2000 oo dollar.

Tillaabadaan ay dowladdu qaaday ayaa aad loo dhaliilay maadaama dadka Congo ay yihiin kuwa sabool ah, hase ahaate dowladda ayaa go`aankeeda ku micneysay in wasiirada la siiyo mushaar aan sidaa u badneyn oo ay ku maareeyaan baahiyahooda aasaasiga ah sida cunada, hooyga iyo caafimaadka.

Dowladda ayaa sheegtay in ujeedka yahay in wasiirada laga ilaaliyo in ay meel cidlo ah kusoo dhacaan oo ay noqdaan sabool aan awoodin in noloshooda ay maareeyaan.

Ra’iisul wasaaraha xilka ka sii tagaya Bruno Tshibalala ayaa saxiixay labo wareegto oo tan koowaad ay Ra’iisul wasaarayaashii hore ku heli doonaan mushaar u dhigma sodon boqolkiiba mushaarka Ra’iisul wasaaraha markaas talada haya iyo ticktet diyaaradeed oo sanadkiiba mar ah oo ay dheertahay lacag gaareeysa shan kun oo dollar oo ku baxeysa hooyga uu ku noolaanayo.

Wareegtada labaad ayaa waxaa wasiiradii hore ay heli lacag ku dhiganta 30 boqolkiiba lacagta ay qaataan wasiirada xilalka haya iyo 1000 dollar oo ku baxeysa guriga ay deganyaan wasiiradii hore oo lagu daray ticket diyaaradeed oo sanadkii mar ah.

Labadaan wareegto ayaa si weyn loo dhaliilay waxaana dadka qaar ay sheegeen in wareegtadaan aysan la jaanqaadi karin xaaladda dhaqaale ka jirta dalka Jamhuuriyadda Dimquraadiga ah ee Congo oo dadkeeda inta badan ay ku noolyihiin xaalad saboolnimo ah oo aad u daran.

SHARE