Colaada dalka Suuriya oo 8- sano jirsatay iyo saamaynta awooddaha ku loo lamaya Gobolka

1786

Weeraro cusub oo dhanka Cirka ah oo maanta oo Sabti ah diyaaradaha dagaalka dowladda Suuriya ay Ku qaadeen deeganada mucaaradka dalkaasi ay gacanta ku hayaan ee barriga Quuda, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in lagu dilay in ka badan 30 qof.

Guddiga Daba-galka dagaalada ka taagan dalka Suuriya ee fadhigiisu yahay magaalada London ee dalka Britain ee la yirahdo the Syrian Observatory for Human Rights (SOHR) ayaa warbaahinta u sheegay in duqeynta maanta ay Ku dhinteen in ka badan 31 qof oo shacab ah.

Guddiga ayaa waxaa uu sheegay in dadkan shacabka ah la duqeeyay xili ay ka soo cararayeen goobaha dagaalada ay Ku dhex marayaan kooxaha mucaaradka iyo ciidamada dowladda Suuriya oo ay taageerayaan dowladaha Ruushka, Iiraan iyo Maleeshiyaadka Shiicada dalka Lubnaan ee loo yaqaano Hezbollah.

Ayadoo dagaalada iyo duqaymaha aan kala joogsiga lahayn ay ka soconayaan bariga magaalada Ghouta, ayaa haddana maalmihii la soo dhaafay waxaa halkaasi ka soo barakacay dad kor u dhaafaya toban kun oo shacab ah kuwaasi oo goobaha dagaalada Ku go’doonsanaa bilihii la soo dhaafay.

Cadaabta Adduunka

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa horay qaraar uga soo saaray xaaladda ka taagan bariga Ghouta, kaasi oo dhegaha ay ka xirtay Xukuumadda Dimashiq iyo xulafadeeda Ruushka iyo Iiraan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guteres ayaa horay xaaladda ka taagan bariga Ghouta ugu tilmaamay inay tahay ” Cadaabta Adduunka”.

Shalay diyaaradaha dagaalka dalka Ruushka ayaa duqeeyay Suuq Ku yaala bariga Ghouta halkaasi oo ay Ku dhinteen in ka badan 70 qof oo rayid ah.

Duulaanka Turkiga

Dhanka Waqooyi ee dalka Suuriya ayaa sidoo kale waxaa ka taagan xaalad dagaal iyadoo ciidamada Maleeshiyaadka Xorta ah ee dalka Suuriya (Free Syrian Army) oo ay taageerayso dowladda Turkiga ay go’doomiyeen magaalada Ifrin oo ay maalulaan Maleeshiyaadka dowladda Mareykanka gacan saarka leh ee loo yaqaano (YPG).

Xukuumadda Ankara, ayaa Maleeshiyaadka Kurdiyiinta (YPG) waxaa ay u arkaan inay yihiin urur argagaxiso ah oo la shaqeeya  Kurdistan Workers Party (PKK) kuwaasi oo dowladda Turkiga dagaal kula jira muddo Ku dhow Nus Qarni, taasi oo keentay dhimashada kumanaan qof.

Midowga Yurub, Maraykanka iyo dowlado kale ayaa sidoo kale kooxda (PKK) u yaqaana urur argagaxiso ah.

Xukuumadda Ankara ayaa duulaan ka dhan ah Maleeshiyaadka YPG waxaa ay Ku qaaday deegaanada ay kooxdaasi maamulaan oo ka tirsan gobalka Ifrin ee ay Ku badan yihiin dadka ka soo jeeda qowmiyadda Kurdiga ee dega dalalka Turkiga, Ciraaq, Iiraan iyo Suuriya.

Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in inta badan tuulooyinkii, Deegaanadii iyo Magaalooyinkii ay maamulayeen kooxda YPG ay ciidamadiisu gacanta Ku hayaan.

Duqeynta Cisbitaalka Ifrin

Shalay ayaa waxaa lagu waramay in Maleeshiyaadka Xorta ah ee dalka Suuriya iyo ciidamada dowladda Turkiga ay duqeeyeen cisbitaalka wayn ee magaalada Ifrin, halkaasi oo ay Ku dhinteen in ka badan 10 ruux oo dad rayid ah u badan.

Dagaalada dalka Suuriya ka oogan oo markaan galay sanadkii Siddeedaad ayaa waxaa Ku nafwaayay boqolaal kun oo qof oo shacab u badan.

Dagaalada Sokeeye ee dalka Suuriya ayaa waxaa ay bilowdeen bishii  March 15-keedii sanadkii 2011, iyadoo wali aysan muuqan ifafaalo muujinaya in dagaalka dalkaasi ka oogan xalkiisu uu dhow yahay.

Ku lug-lahaanshaha  Ruushka

Ruushka ayaa dagaalka soo galay isagoo usoo galay inuu badbaadiyo xukunka qoyska Madaxweyne Bishaar Al
– Asad oo dalkaasi maamulayay sanado badan, qoyskaasi oo ka soo jeeda Qabiilka Calawiyiinta Shiinacada ah kuwaasi oo tiro ahaan noqonaya dad laga tiro badan yahay.

Ruushku waxaa xukunka Bishaar Al-Asad ka bedbaadiyay isagoo qarka u saaran inuu burburo.

Xukuumadda Dimashiq ayaa geeri kasoo kabatay iyadoo haatan maamusha dhulka Suuriya intiisa badan.

Dagaalka 8-sano jirsaday ayaa markan u muuqanaya inay guusha raacayso dowladda Suuriya, hase ahaate, marka laga eego dhanka siyaasadda xal u helidda mushkiladda dalkaasi uma eka mid u dhow in xal loo heli doono.

Inkastoo kooxda Daacish awood ahaan la wiiqay dalkuna u Kala jabay dhinacyo ay Ku loolamaan quwadaha Caalamka sida Ruushka, Mareykanka iyo Turkiga ayaa Haddana waxaa quus taagan dadaaladii Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva sababta oo ah waxaa laga garab furay dadaalo kale oo ka socda magaalada Astana ee dalka Kazakhstan kaasi oo ay wadaan dowladaha Ruushka, Turkiga iyo Iiraan iyadoo fadhiyada dadaaladaasi ay ka maqan yihiin quwadaha reer Galbeedka.

Dagaalkii 3-xaad ee Adduunka

Xaalka ayaa meeshii ugu xumaa maraya ayadoo quwadaha Caalamka qaarkood sida Faransiiska iyo Mareykanka ay ka fikirayaan inay samaynayaan faro galin militari oo ka dhan ah dowladda Suuriya haddii ay caddaato inay adeegsatay hubka Kiimikada, taa oo haddii ay dhacdo ay u badan tahay in Ruushka uu jawaab ka bixin doono.

Khubarada Caalamka ayaa waxaa ay ugu dambayn leeyihiin ” Suuriya waxaa ka soo dhow dagaalkii Saddexad ee Adduunka”.