Dadka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynihii shanaad tan iyo markii uu gobolkaasi ku dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, in ka badan shan iyo labaatan sanno ka hor.
Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay rajaynayaan in codbixinta ay xoojin doonto kiiskooda ay ku baadigoobayaan aqoonsiga caalamiga ah.

Afhayeenka guddiga doorashada ee Somaliland Siciis Cali Muse ayaa BBC-da u sheegay in uu goobo badan soo kormeeray kuwa kalana lala xiriiray, codayntu ay billaabanayso 7:00 subaxnimo.
Weriyeyaasha BBC-da oo soo maray goobo codadka laga dhiibanayo ayaa sheegay in ay dadku u kalaheen goobaha codaynta ayna arkeen safaf dhaadheer.
Shaqo-la’aanta ayaa ka mid ah ah arrimaha muhiimka ah ee isha lagu hayo, iyadoo boqolkiiba todobaatan iyo shan dadka da’da yar aanay wax shaqo ah haysan.
Si looga hortago in doorashada lagu shubto ayaa waxaa markii ugu horreysay goobaha codbixinta lagu isticmaalayaa qalab aqoonsanaya indhaha codbixiyayaasha.
Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa waxa ay ku baaqeen in maalinta codbixinta la xayiro isticmaalka baraha bulshada si looga hortago in barahaasi lagu faafiyo warar been abuur ah.

Dadka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynihii shanaad tan iyo markii uu gobolkaasi ku dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, in ka badan shan iyo labaatan sanno ka hor.
Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay rajaynayaan in codbixinta ay xoojin doonto kiiskooda ay ku baadigoobayaan aqoonsiga caalamiga ah.
Gudoomiyaha guddiga doorashada ee Somaliland Siciis Cali Muse ayaa BBC-da u sheegay in uu goobo badan soo kormeeray kuwa kalana lala xiriiray, codayntu ay billaabanayso 7:00 subaxnimo.
Codaynta ayaa la soo afjari doonaa 6:00 makhribnimo.
Weriyeyaasha BBC-da oo soo maray goobo codadka laga dhiibanayo ayaa sheegay in ay dadku u kalaheen goobaha codaynta ayna arkeen safaf dhaadheer.


- Maxaa ka dhigay doorashada Somaliland mid taariikhi ah?
- Shan arrimood oo ku saabsan doorashada Somaliland
Shaqo-la’aanta ayaa ka mid ah ah arrimaha muhiimka ah ee isha lagu hayo, iyadoo boqolkiiba todobaatan iyo shan dadka da’da yar aanay wax shaqo ah haysan.
Si looga hortago in doorashada lagu shubto ayaa waxaa markii ugu horreysay goobaha codbixinta lagu isticmaalayaa qalab aqoonsanaya indhaha codbixiyayaasha.
Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa waxa ay ku baaqeen in maalinta codbixinta la xayiro isticmaalka baraha bulshada si looga hortago in barahaasi lagu faafiyo warar been abuur ah.
Xigasho: BBC Somali