Muqdisho: Waxaa hadda ka soconya garoonka kubada cagta ee Eng. Yariisow ee magaalada Muqdisho ciyaarta kama dambeysta ah ( Final) oo u dhexeysa xulalka Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedba Galmudug oo isagu soo haray koobka ciyaaraha dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Ciyaarta final ah ama dambaysta ah ayaa waxaa Arbacada, 30 bishaan December wada ciyaara xulka Galmudug iyo Gobolka Banaadir. Garoonka ayaa aad waxaa u soo buuxiyay taageerayaasha labada kooxood oo aad u fara badan.
Waxaa aad loo adkeeyay Amniga garoonka Eng. Yariisow ex-Koonis oo ciyaarta finalka ah galabta ka dhacayso. Inta badan waddooyinka soo gala garoonka iyo degmooyinka ku teedsan ayaa la xiray iyo ciidanka Booliiska la dhigay jidadka soo gala.
Ciyaarta galabta oo aad u xiisa badan ayaan la ogayn cida guusha raaci doonto iyo cida koobka ku guulaysan doonto.