Ciyaaraha Goballada oo maalintii 2-aad socda iyo K/Galbeed oo guul ku bilaabatay (Sawiro)

2172

Waxaa  maalintii labad  magaalada Muqdisho  ka soconaya tartanka ciyaaraha  kubadda cagta Gobolada dalka.

Garoonka kubadda cagta Banadir stadium waxaa ka dhacay  maanta ciyaar ay isaga hor yimaadeen xulalka kubadda  cagta Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele.

Waxaa daawadayaasha ciyaartan ka mid ahaa Madaxweynaha  maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha KoofurGalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo weliba Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga dowladda Federalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Ciyaarta oo ahayd mid aad u kululayd ayaa qeybtii hore ku soo dhamaatay goolal la’aan, hase yeeshee qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa ciyaartoyda labada dhinac ay bilaabeen dardar cusub oo ay natiijo Ku raadinayeen.

Muddo kadib ayaa waxaa xilka Koonfur Galbeed  ay la yimadeen   Cool,  taasi oo ka dhigtay  in ay ku soo dhamaato ciyaarta K/Galeed 1-0 Hirshabeele.

Madaxweyne Shariif Xasan iyo Maxamed Cabdi Waare oo hadalo kooban halkaasi ka jeediyay ayaa dhiiro geliyay habsami u socodka Ciyaaraha socda, waxaana ay ku tilmaameen in ay tahay arrin lagu farxo in horumaro ay sameynayaan bulshada,kubadda cagtuna ay qeyb ka tahay.

Tartanka ciyaaraha Dowlad goboleedyada oo shalay si rasmi ah uga furmay garoonka kubbada cagta ee Koonis Stadium ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku wada ciyaaray xulka Banaadir iyo Jubbaland,ciyaarta ayaa 2-1 waxaa ku badiyay xulka Banaadir.