Cirro oo aqbalay natiijada doorashada

1425
Cabdiraxmaan Cirro Musharaxa xisbiga Waddani ee Somaliland Photo/ VOA

Murashaxii madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro, ayaa shir jaraa’id oo uu caawa ku qabtay Hargaysa kaga dhawaaqay in uu aqbalay natiijada doorashada in kasta oo uu ka xun yahay.

Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in doorashada ay ka dhaceen “is daba marin, musuqmaasuq iyo ku shubasho aan xad lahay”.

Waxa kale oo uu Cirro sheegay in “taageerayaasha xisbiga Waddani lagula kacay tacaddi iyo xad gudubyo aad u badan”, waxaanu intaa ku daray in uu ka xunyahay “cabudhinta iyo caga juglaynta lagu hayo muwaadiniinta iyada oo loo adeegsanayo xooga ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland ee loogu talo galay in ay dadka cadawga ka difaacaan” in kasta oo aanu eedaymahaas wax caddaynaya soo bandhigin.

Ugu dambayntii Cabdiraxmaan Cirro waxa uu yidhi “waxaan u tanaasulay nabadda, wada jirka iyo midnimada ummada Somaliland” waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata yidhi “waxaan go’aansaday in aan natiijada gacan ku samayska ah ee la dhoob dhoobay aan aqbalo”.

Xigasho: BBC Somali