Cirro: Natiijada ma Aqbalayno, waayo Doorashadii Waa Lagu Shubtay

868
Cabdiraxmaan Cirro Musharaxa xisbiga Waddani ee Somaliland Photo/ VOA

Musharraxa madaxtinimada xisbiga Waddani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta ku dhawaaqay in aysan aqbali doonin natiijada doorashadii madaxtinimada ee 13-ki bishan November ka dhacday Somaliland.

Cabdirraxman Cirro ayaa sheegay in doorashada ay ku gaddaamantahay madmadoow fara badan badan, taasoo dhalisay buu yiri musuq-maasuq iyo ku shubasho baahsan oo ka dhacday dhamaan meelihi ay ka dhacday doorashada ee Somaliland.

Musharraxa xisbiga Wadani, ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland in ay xireen qaar ka mid ah mas,uuliyiinta iyo taageerayaasha xisbigiisa.

Halkaan hoose ka dhageyso hadal uu maanta Cabdiraxman Cirro ku faaf-faahiyay mowqifkiisa ku aadan doorashadi dhawaan ka dhacday Somaliland.

Halkaan ka dhageyso Warbixinta VOA Somali

Xigasho: VOA Somalia

SHARE