Toddobo qof ayaa dhintay 20 qof oo kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray ka dib markii Qaraxyo mataano ah ay gilgileen magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.
Weeraradan Bambaano oo mataanaha ahaa ayaa lagu qaaday masjid Ku yaala degmada Sadar City ee magaalada Baqdaad, taasi oo ah degmo Shiicada reer Ciraaq ay leeyihiin.
Masjidka la weeraray ayaa waxaa la sheegayaa inay Inta badan xaadiri jireen taageerayaasha wadaadka Shiicada ah ee lagu magacaabo Muqtada Al-Sadar, kaasi oo isbahaysigiisa Siyaasadda uu Ku guulaystay 54 kursi Baarlamaan.
Weeraradan ayaa yimid ayadoo xiisad siyaasadeed oo ka dhashay doorashadii baarlamaaniga ahaa ee dhowaan ka dhacay dalkasi Ciraaq.
Waxaa sidoo kale la amray in 11 million oo codadkii doorashada dalkaasi dib loo tiriyo.