MUQDISHO (UM)—Shir Deeq-bixiyaasha Caalamka muddo Saddex Cisho ah ay Ku lahaayeen caasimadda dalka Kuwayt ayaa la soon gabagabeeyay maanta oo Arbaco ah.
Shirka ayaa waxaa soo abaabulay Dowladaha Kuwayt, Ciraaq, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka, waxaana dhaqaalle loogu arruurinayay dalka Ciraaq.
Markii uu shirka soo dhammaaday maanta ayaa waxaa dowladda Kuwayt ay Ku dhawaaqday in Ciraaq la siinayo $30bn oo dollarka Maraykanka ah.
Dhaqaalahan ayaa waxaa loogu talagalay in dowladda Ciraaq looga caawiyo dib u dhiska dalka gaar ahaan goobihii Ku burburay dagaalkii kooxda Daacish looga saaray dalka Ciraaq.
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ciraaq Ibraahim al-Jacfari, ayaa sheegay in $30bn ay ka yar tahay adduunka lacageed ee xukuumadda Baqdaad ay u baahan tahay.
Wasiirka Qorshaynta dalka Ciraaq Qusey Cabdul fatax, ayaa Isbuucan gudihiisa waxaa uu sheegay in Ciraaq ay u baahan tahay lacag dhan $88.2bn oo Doollar, islamarkaana $22bn oo ka mid ah si deg deg ah ay ugu baahan yihiin.
Xogahayaha guud ee QM Antonio Guterres, oo ka mid ahaa dadka shirka soo qaban-qaabiyay ayaa lacagta $30bn ee la balanqaaday ay tahay guul.
Lacagtan maanta loo balan qaaday Ciraaq ayaa ah lacag Deen/ Ammaah ah.
Dowladaha Kuwayt, Sacuudi Carabiya, Qadar iyo Turkiga ayaa ka mid ah dalalka balan-qaadka lacageed sameeyay intii shirka Deeq-bixiyaasha Caalamka ay Ku shirsanaayeen Caasimadda dalka Kuwayt.
Qaar ka mid ah Dowladaha iyo Tirada ay balan qaadeen
Amiirka dalka Kuwayt Sheekh Sabaax Axmed Al-Sabaax, ayaa sheegay in dowladdiisa ay bixinayso $2bn oo Dollarka Maraykanka ah.
Sacuudi Carabiya ayaa balan qaaday $1.5bn oo Dollar.
Dowladda yar ee walaalaheed Carabta ah ay cunoqabataynta ku hayaan ee Qadar ayaa balan qaaday $1bn oo Dollar.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in Ciraaq siin doonto taareego dhaqaalle oo gaaraysa $5bn oo dollar, lacagtaasi oo ah mid ka badan lacagaha ay balan qaadeen isku dar dowladaha Kuwayt, Sacuudi Carabiya iyo Qadar.