Wadaadka Shiicada ah ah ee Isbahaysigiisu ay Ku guulaysteen doorashadii guud ee dhowaan ka dhacday dalka Ciraaq, Muqtada al-Sadr, ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha xilka kasii dagaya ee dalkaasi Ciraaq.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Baqdaad, ee caasimadda dalka Ciraaq ayaa wadaadka iyo Ra’iisul wasaaraha xilka ka sii dagaya Xaydar al-Cadadi, ayaa la sheegay in looga hadlay sidoo loo samayn lahaa dowlad cusub.
Isbahaysiga Muqtada al-Sadr, ayaa doorashadii 12-kii bishan May ka dhacday dalka Ciraaq waxaa ay Ku guulaysteen 54 ka mid ah 328-dda Kursi baarlamaan ee dalkaasi.
Wadaadka ayaa lagu wadaa in sidoo kale uu la kulmo ninka hogamiya isbahaysiga Iiraan ay taageerto ee Hadi Al-Amiri.
Hadi Al-Amiri, Isbahaysigiisa Shiicadaha ee u janjeera dhanka Iiraan ayaa Ku jira kaalinta labaad ayadoo Isbahaysiga ra’iisul wasaaraha xilka ka sii dagayana uu galay kaalinta Saddexaad.
Al-Sadar, ayaa sii wadi doona waanwaan aan fududayn taasi oo lagu soo dhisayo xukuumad cusub.
Sida uu qabo dastuurka dalka Ciraaq, kursiga ra’iisul wasaaraha waxaa iska leh Shiicada ayadoo kursiga Madaxwaynaha ay leeyihiin Kurdiyiinta halka Kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka ay Suniyiintu leeyihiin.