Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq Adel Abdul Mahdi ayaa ka booqasho ku tagay magaalada Tehran si uu wadahadal ula yeesho Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani, taasi oo muujinaysa xiriirka sii dheeranaya ee labada deriska ah.
Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Sabtidii, Rouhani ayaa amaanay Iran iyo Ciraaq inay wadaagaan arrimaha muhiimka ah ee gobolka.
“Waxaan wadaagnaa aragti guud oo ku saabsan Al-Qudus [Jerusalem] oo ah caasimadda rasmiga ah ee Falastiin, buurlayda Golan oo ah qayb aan la kala qaybin oo ka mid ah Suuriya iyo in dagaalkii Yaman uu dhammeeyaa si dhakhso ah iyo in xalka dhibaatada Yaman ay tahay mid siyaasadeed,” ayuu yiri madaxweyne Rouhani.
Rouhani waxa uu intaa ku daray in labada dal “ku heshiiyeen baahida loo qabo nabadda iyo xasiloonida gobolka oo dhan”.
Ra’iisul Wasaare Abdul Mahdi ayaa hosta ka xariiqay hadaladii madaxweynaha Iran, isaga oo intaa ku daray in iskaashi dhaqaale iyo nabadgelyo ah ay sidoo kale uga wada hadleen kulanka.
“Waxaan rabnaa in aan aragno xiriirkeena horumarka leh, xiriirka labada dhinac, in uu noqdo tusaale ah in la raaco iyo sidoo kale horey loogu sii gudbiyo dalalka oo dhan,” ayuu yiri.
Hoggaamiyeyaasha Iran iyo Ciraaq ayaa sidoo kale taageeray in ay yeesheen xiriir qoto dheer.
Booqashada Ra’iisul wasaaraha Ciraaq booqasho ku tagay caasimadda Iran, ayaa ka dambaysay safarka magaalada Baqdaad uu ku tagay madaxweynaha Iran Xassan Rouhini bil ka hor.