Cillado farsamo oo isku mid ah oo sababay burburkii diyaaradihii Itoobiya iyo Lion air

588

Wasaaradda gaadiidka Itoobiya ayaa sheegtay in xog laga helay burburkii diyaaraddii Itoobiya ay muujineyso in ay u burburtay cillad la mid ah tii ay u burburtay diyaaradda Lion Air ee dalka Indonesia bishii October ee sanadkii la soo dhaafay. Labada diyaaradood ayaa ahaa nuuca loo yaqaan BOEING 737 Max .

Diyaaradda Itoobiya ayaa burburtay wax yar kaddib markii ay ka kacday garoonka Bole ee magaalada Addis, iyada oo ay dhinteen dhammaan rakaabkii saarnaa oo gaarayay 157 qof.

Wasiirka gadiidka Itoobiya Dagmawit Moges ayaa wariyaasha u sheegay in baaritaankii hordhac ah lagu soo gudbin doono muddo soddon bari gudaheed ah.

Calaamado isku mid ah ayuu sheegay wasiirka gaadiidka Itoobiya in lagu arkay diyaaradii Itoobiya dulimaad lambarkeedu ahaa 302 iyo diyaaraddii Lion ee duulimaad lambarkeedu ahaa 610, labadaas diyaaradood oo wada ahaa nuuca BOEING 737 Max. Calaamadahaas muujinaya in ay jirto hal cillad oo wada sababtay shilka ayuu wasiirku tilmaamay in lagu sameeyn doono baaritaan dheeri ah.
Qaybta keydisa xogta duulimaadka ee labada diyaaradood ayaa muujinaysa in ay jirto cillad la xiriirta sare u kicidda diyaaradda oo si aan caadi ahayn hoos ugu dhaceysa halkii ay ahayd in ay kor u kacdo.

Maamulaha guud ee shirkadda BOEING Dennis Mulleinberg ayaa xaqiijiyay in ay shirkaddu gacan ka geysaneyso baaritaanka socda, waxa uuna intaa ku daray in ay wax ka baddal iyo cusbooneysiin ku sameynayaan Softwareka diyaaradda oo qalqal badan ku jiro.

Dhinaca kale waxaa maanta dalka Itoobiya xaflad baroor diiq ah loogu qabtay dadkii ku dhintay shilkii diyaaradda Itoobiya Airline. Xaflad la mid ah tan Addis Ababa ka dhacday ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi iyada oo qoysaska dadkii ku dhintay shilka ay ka soo qayb galeen.

Baaritaanka lagu ogaanayo sababta ka dambeysa burburka diyaaradda ayaa ka socda dalka Faransiiaka, iyada oo baaritaano hordhac ahna ay muujinayaan in ay jirto cillad isku mid ah oo sababtay shilkii diyaaradda Itoobiya iyo tii laga lahaa dalka Indonesia ee burburtay sannadkii hore.

SHARE