Ciidanka difaaca Itoobiya ayaa weeraro dhanka cirka ah ka bilaabay deegaano ka tirsan galbeedka ismaamulka Oromada oo ay ku xoogganyihiin jabhadda xoreynta Oromda, Sidaas waxaa barta Addis Standard u sheegay ilo ka tirsan ciidanka difaaca Itoobiya.
Ciidanka Itoobiya ayaa beegsaday xeryo milatari oo lagu tababaro jabhadda Oromada, iyada oo weerarada oo shalay bilwadayna aan la ogayn marka ay dhammaan doonaan.
Hawlgalka ciidanka ayaa imaanaya kaddib markii koox la tuhunsanyahay in ay ka mid tahay jabhadda Oromada ay weerar dhac ah ka geystay bangi ku yaalla ismaamulka Oromada , halkaas oo sidoo kale afduub loo geystay qaar ka mid ah shaqaalaha.
Jabhadda Oromada ayaa ka mid ahayd jabhadihii heshiiska la galay maamulka Itoobiya oo aqbalay in ay si nabadgalyo ah u fushadaan arrimahooda siyaasadeed, hase ahaatee waxaa arrintaas beddelay muran joogto ah oo u dhaxeeya dowladda federalka iyo jabhadda Oromda.
Guddoomiyaha jabhadda Oromada Dawuda Ibssa ayaa maamulka Addis ku eedeeyay in ay heshiiska ka baxeen oo ay hawlgallo milatari oo aan sharci ahayn ka fulinayaan dhulalka ay ku suganyihiin ciidanka jabhadda Oromoda. Eedaas ayay dowladda Itoobiya iska diiday iyada oo taa baddalekeedana Jabhadda ku eedeysay in ay dhibaato ka wado gobolka Oromiya.