Muqdisho – Ciidanka Danab oo ah cutub la tirsan xoogga dalka ayaa si buuxda loogu wareejiyay sugidda amniga garoonka diyaaraha ee caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray ciidanka Xoogga qeybtooda Danab ee lagu wareejiyay gacan ku heynta amniga garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa taliska ciidanka sugaya amniga garoonka u sheegay in ay adkeeyaan amniga garoonka, si loogu guuleysto dadaallada ballaaran ee lagu dhisayo maamulka Galmudug.
Ciidamada xoogga dalka qeytooda Danab Danab shalay si ramsi ah loogu wareejiyay amniga garoonka diyaaraha ee caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.


























