Ciidan Ruush Ah Oo Suuriya Lagu Dilay

132

Ugu yaraan afar ka tirsan askarta Ruushka ee baritaareysa ciidanka dawladda Suuriya ayaa lagu dilay gobolka Deirr Alzour ee bariga dalka Suuriya.

Labo ka mid ah oo ahaa la taliyaal ciidanka madaafiicda goobta ee Suuriya ayaa geeriyooday markii ay weerar kusoo qaadeen koox ka tirsan Daacish.Shan kale oo Ruush ayaa dhaawac soo gaaray, iyada oo labo ka mid ah ay u dhinteen dhaawicii soo gaaray.Sidaas waxaa sheegtay wasaarada difaaca Ruushka.

Ciidanka Suuriya ayaa la wareegay Deir Alzour sanadkii tagay waxaana wali gobolkaas ku xoogan kooxda daacish oo laga saaray meelo badan.

Ruushka ayaa ilaa iyo inta uu dagaalka Suuriya bilawday waxa uu ku waayay ciidan gaaraya 90 askari.Sidoo kale qandaraaslayaal Ruush ah ayaa geeriyooday tan iyo markii uu Ruushku si toos ah u faragaliyay dagaalka sokeeye  ee Suuriya.

 

 

SHARE