Ciidamo weeraray guriga Senator Cabdi Qaybdiid

1970

Ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda Imaaraad u tababartay dowladda federaalka ayaa weerar ku qaaday guriga Senator Cabdi Xasan Cawale oo loo yaqaan Qaybdiid oo ka tirsan mudanaaysha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ciidamada weeraray guriga Senator Qaybdiid aysan wax amar ah ama waraaq fasax ah ka haysan dowladda federaalka, cidda amarka ay guriga ku galeen siisayna aan la ogayn. Wararka waxa kala oo ay sheegayaan in dowladdu amartay in la soo xiro taliyihii hogaaminayay ciidanka guriga Senator Qaybdiid weeraray.

Hawlgalkaas la sheegay ayaysan ka dhallan wax qasaaro ah, iyada oo ciidanka ay baaritaan ku sameeyeen gurigiisa.Senator Cabdi Qaybdiid ayaa la sheegay in uusan joogin guriga xiliga ciidamadu gudaha hoygiisa.
Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa ah sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga dib eegista dastuurka ee Baarlamaanka.Janaraal Qaybdiid ayaa la filayaa inuu ka hadli arrintaan oo goordhaw shir jaar’id qabto.

17kii iska bishaan ayay aheyd markii ciidan ka tirsan sirdoonka Qaranka ay weerareen guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah Guddoomiyaha xisbiga Wadajir halkaas oo ay ku dileen qaar ka mid ilaaladiisa iyo qof hawayn ah.

Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan ayaa kaddib la xiray iyada oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku weysay wax danbi ah, waloow maxkamada racfaanka ay dib ugu yeertay taasi oo muddaysay inuu Maxkamadda horyimaado 3 bisha Janaayo 2018-ka, Lamana oga sida arrinku ku dhammaan doono.