Dhuusamareeb – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” ayaa maanta tababar u soo xiray cutub ka tirsan ciidamada Darawiishta Galmudug oo tababar uga soconayay magaalada Dhuusamareeb.
Ciidamada tababarka loo soo xiray oo la laylinayey muddo Dhawr bilood ah, waxay noqonayaan dufcaddii 1-aad ee ka baxda
DugsigaTababarka Ciidamada ee magaalada Dhuusamareeb.
Hadal uu u jeediyay Ciidamada tababarka loo soo xiray ayuu ku booriyay in ay si wanaagsan ugu shaqeeyaan deegaankooda iyo dadkooda kana difaacaan cadowga.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ku ammaanay Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug iyo saraakiisha tababarka bixinaysay sida wanaagsan ee Ciidamada ay u diyaariyeen.
Arritaan ayaa qeyb ka ah daddaalada Galmudug ee ku aadan tayeynta iyo u dib habaynta ciidamada kala duwan ee Maamulka Galmudug.