Ciidamo qalabaysan oo lagu wareejiyay Dowladda Soomaaliya (Sawiro)

901
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Biddix) Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya Maxamed Al Xammadi (Middig) Arbaco 01/11/2017. MUQDISHO Soomaaliya

Safiirka dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Cisman Al Hammadi, ayaa 311 Askari oo tababar ay u soo gaba gabeysay  waxaa uu ku wareejiyay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod.

Imaaraadka Carabta ayaa ciidamadan Soomaaliya ku wareejiyay ka dib Munaasabad ka dhacday Xarunta Jeneraal Gordan.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Masuuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa Munaasabadda, waxaana ciidamadan la sheegay in ay yihiin kuwo  qaatay tababaro wanaagsan isla markaana ay u dhameystiran yihiin Gaadiidkooda, Hubkooda iyo agabyada kale ay u baahan yihiin.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kaga mahad celiyay dowlada Imaaraadka Carabta sida ay u taageerto ciidamada xooga dalka, isagoo sheegay in ciidamadan ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah dhaqdhaqaaqa  Al shabaab kaasi oo madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo uu iclaamiyay ka dib weerarkii bambaano ee magaalada Muqdisho ka dhacay 14 kii bishii aan soo dhaafnay kaasi oo ay Ku naf-waayeen dad ka badan 358 qof.