Ciidamo kumaandoos ah oo Muqdisho tababar loogu soo xiray

1397

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta tababar magaalada Muqdisho tababar ugu soo xiray ciidamo qayb ka ah ciidanka Kumaandooska DANAB.

Ciidanka maanta tababarka loo soo xiray ayaa lagu tababaray kulliyadda tababarada Turki-Som ee ku taalla maagalada Muqdisho, iyadoo sidoo kalena loo dhamays tiray qalabkii ay ku howl geli lahaayeen.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo u hambalyeeyay ciidamada tababarka loo soo xiray, isagoo uga mahadceliyay dowladda Turkiga sida wanaagsan tababarka ciidanka iyo qalabka ay u dhamaystirtay.

Ciidamada maanta Tababarka loo soo xiray oo gaaraya 330 askari ayaa noqonaya cutubkii ugu horreyay oo ka tirsan ciidanka Danab oo ka qalin jabiyayay Kulliyadda tababarada ee Turki-Som.

Dowladda Turkiga ayaa gacan wayn ka gaysatay tababarka iyo dib u habaybta ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo Kulliyadda tababarada Turki-Som ciidamo badan oo ka kooban qeybaha kale duwan ee ciidan ku tababartay tan iyo markii la dhisay dhawr sano ka hor.