Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo Musuqmaasuq loo xiray

613

Ilaa 28 xubnood oo ka tirsnaa booliiska Soomaaliya, kuwaasi oo loo haysto eedo iskugu jira amar diido iyo musuq-maasuq ayaa xabsiga la dhigay sida ay sheegtay laanta dambi barista booliiska Soomaaliya.

Taliye ku xigeenka laanta dambi baarista ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee CID Jeneraal Bishaar Abshir Geedi oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidankaasi la dhigay xabsiga dhexe ee magaalada, kadiib markii la soo eedeeyey.

“Waxaan rabnaa inaan la wadaagno shirkan jaraa’id ciidamo kale oo la maqan hub iyo qalab hanti dadweyne ah, waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo soo celiyo hubka iyo qalabka maqan” ayuu yiri taliye ku xigeenka laanta dambi baarista ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee CID Jeneraal Bishaar Abshir Geedi .

Taliye ku xigeenka laanta dambi baarista ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee CID Jeneraal Bishaar Abshir Geedi ayaa u digay ciidanka booliska ee jidadka taagan oo dhibaateenaya shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in kuwaasi lagu qaban doono gacan bir ah.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa mudooyinkan ku howlan talaabooyin ay sheegtay inay kula dagaalamayso musuq-maasuqa , waxaana jiray saraakiil iyo mas’uuliyiin loo xiray eedeymo lagu soo oogay.

SHARE