Muqdisho – Ciidamo ka tirsan hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.
Ciidamadaan aya ahaa kuwa Jabuuti ee Hiil Walaal ee ka tirsan hawlgalka nabad ilaalinta Amsom, waxa ayna ka baxeen magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Ciidamada nabad ilaalinta Jabuuti ee Hiil Walaal ayaa saaka lagu soo dhaweeyay Kontoroolka magaalada Dhuusamareeb halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybtooda 21aad Galmudug.
Waxaa shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb Taliyaha Guud ee ciidamada nabad ilaalinta Amsom ee Soomaaliya.
Ciidamadaan ayaa sugi doono amaanka magaalada Dhuusamareeb gaar goobaha muhiimka ah sida garoonka diyaaraha iyo Madaxtooyada.
Waxaa lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo shirka wadatashiga iyo dib u heshiisiinta oo ay ka qeybgalayaan beelaha dega deegaankada maamulka Galmudug.
Shirkaan ayaa looga arrinsan doonaa mustaqbalka siyaasadeed ee Deegaanka iyo doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Galmudug.