Ciidamo ka socda Turkiga oo soo gaaray Muqdisho(Sawiro)

845

Illaa 200 ciidan isugu jira saraakiil ciidan iyo askar ka socda Turkiga ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, taasoo ah tiradii ugu badneyd oo Ciidamo Turkiya ay ka qeyb qaadanayaan tababarida iyo xirfad dhisida ciidamada Soomaaliyeed.

Diyaarada Turkish Airlines  ayaa ciidamadan u soo keentay magaalada Muqdisho, sida ay qoreen warbaahinta gudaha dalka Turkiga.

Askartaan ayaa la sheegay inay yihiin kuwo Turkiga uu ugu talagalay  qeybta dugsiga tababarada militari ee bisha soo socota laga furi doono magaalada Muqdisho.

Saldhiggan oo ku yaala magaalada Muqdisho, gaar ahaan deggaanka Jaziira ayaa waxaa markiiba lagu tababari karaa illaa 1,500 askari.

Bisha soo socota ee September ayaa qorshuhu yahay in si rasmi ah loo furo saldhiga Milateri ee Turkiga ka dhistay Muqdisho, waxaana tababar loogu furi doonaa saraakiil iyo ciidamo Soomaali ah.

Xerada militari Turkiga ay ka furayso Soomaaliya ayaa ah noqonaysa tan ugu wayn ee Turkigu Ku leeyahay meel ka baxsan dalkeeda.

SHARE