Ciidamo Itoobiyan oo hor leh oo kusoo qul qulaya Soomaaliya

857

Ciidamo Itoobiyaan ah oo hubeysan watana Gaadiidka Gaashaaman ee dagaalka ayaa waxaa ay wararku sheegayaan inay u soo talaabay Soomaaliya ayagoo soo tallaabay xadka magaalada Doolow ee gobalka Gedo  uu la wadaago magaalada Dolow Itoobiya ee is-maamulka Soomaaliyeed ee dalka Itoobiya.

Ciidamadan ayaa waxaa la sheegayaa in shalay ilaa maanta  ay ku soo qul qulayaan Soomaaliya.

Siyaad Maxamed Cali, oo Degane degan magaaladda Dolow ayaa Warbaahinta Ummaddamedia, waxaa uu u sheegay in ciidamada cusub ee Itoobiyaanka ah  tiradooda uu ku qiyaasay in ka badan Kun Askari.

Caasho Xuseen oo ka mid ah dadka Ku nool magaalada Dolow ee gobalka Gedo ayaa sidoo kale inoo sheegtay in ciidamada ay kasoo tallaabeen xadka labada dal.

” Ciidamo itoobiyaan oo aad hubaysan oo wata nocyada gaadiidka dagaalka ayaa ka soo talaabay Buundada Dolow, ma ogi ujeeddadooda iyo halka ay kusii jeedaan” Caasho Xuseen oo ka mid ah dadka nool Dolow ayaa sidaas qadka Telfoonka ugu sheegay warbaahinta Ummaddamedia.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga Gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland Maxamed Xuseen Al-qaadi oo la hadlay FM-yada ka howl gala magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale warkan xaqiijiyay.

Wuxuu sheegay Ciidamadan ujeedka ay u yimaadeen inuu yahay ka jawaabista codsiga Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), kaasi oo dalalka Gobolka oo ay ka mid tahay Itoobiya ka dalbaday in laga gacan siiyo dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.