Muqdisho (UM) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad magaalada Muqdisho lagu qabtay oo tababar lagu soo xirirayay saraakiil ciidanka booliiska.
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow iyo Taliyaha ciidanka Booliiska S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa maanta tababar u soo xiray 1,400 ( kun iyo afar boqol) askari oo ciidanka booliiska ka tirsan.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in ciidamada maanta tababarka loo soo xiray ay hawlgali doonaan magaalara Muqdisho si ay u xoojiyaan amniga caasimadda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in arrintaani ay qeyb ka tahay Tubaha Qaranka ee ku aadan amniga iyo caddaaladda.