Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegay inuu amaray in ciidankii horey u joogay baraha hubinta ee waddada Xabsiga Dhexe laga wareejiyo ciidanka Asluubta.
Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ciidamo suga ammaanka geeyay barihii hubinta ee ciidanka Asluubtu ka joogeen Waddada horumarta kawaanka malayga Xamar Weyne, Maxkamadda Sare, Xabsiga dhexe iyo Dekadda weyn waxaana laga qaaday ciidankii horey u joogay.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Xijaar oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Mahad Cabdiraxmaan ayaa goobjoog ka ahaa kala wareejinta ciidanka iyo goobaha hubinta ee lagu wareejiyay.
Talaabadan ayaa timid kadib markii dhawaan ciidanka Asluubta ee barahaas ku sugan ay rasaaseeyeen gawaari galbinaysay Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud. Dhacdadaan ayaa dhawr hore oo kala ciidaankaan Asluubta mas’uuliyiinta kale duwan ku rasaaseeyeen.