Ciidamadda Soomaaliya Oo Howl-gal Hubeysan Ku soo Qabtay Siyaasiga Cabdiraxman Cabdishakuur

1794

Warar ayaa kasoo baxeysa rasaas caawa saqda dhexe ka dhacday magaalada Muqdisho, oo dhex martay ciidamada NISA iyo ilaalada Cabdiraxmaa Cabdishakuur Warsame.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday galinkii dambe ee caawa gurriga Cabdiraxman Cabdishakur Warsame halkaasoo wararka soo gaaraya Ummadda Media sheegayaan in xabsiga loo taxaabey iyadoo howlgalkaan uu sababey dhimasho iyo dhaawac.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in xilligii la weeraraayay hoygaasi uu ku sugnaa Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in C/raxmaan C/shakuur ay gacanta jug ka gaartay, ayna kaxeysteen ciidamada NISA isaga iyo siyaasi la joogo oo lagu magacaabo Sayid Cali Macalin.

Wararka ayaa xusaya in ilaalada guriga Cabdiraxman Cabdishakur qaar ka tirsan weerarkaan ku dhinteen halka dhaawac fudud soo gaarey.

Xogta aan ka heley qaar ka tirsan dad u dhow Cabdiraxman ayaa sheegeysa in ciidanku ku dabiibeen dhaawaciisa isbitaalka Digfeer halkaas oo ay horey ugu sii gudbyeen xarunta hay’ada sirdoonka ku leedahay magaalada Muqdisho Halkaas oo lagu xiray.

Cabdiraxman Cabdishakur oo kamid ahaa musharaxiinta Madaxweynaha doorashadii dalka ka dhacdey horaantii sanadkaan ayaa lala qabtey sarkaal hore uga tirsanaan jirey dekada magaalada Muqdisho kaasoo marka weerarkaan dhacayey ku sugnaa gurigiisa.

Weerarka ciidamadaan ayaa yimid kadib markii maalintii shaley Xeer Ilaaliyaha Qaranka eedeymo u jeediyey labo Xildhibaan oo ka tirsan aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka isagoo codsadey in xasaanada laga qaado si loogu soo oogo dambiyo ay ka galeen qaranka sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha.

Talaabada Villa Soomaaliya ku soo qabatey Cabdiraxman Cabdishakur ayaa noqonaysa mid ku cusub saaxadda siyaasadda Soomaaliya.

C/raxmaan C/shakuur, ayaa sababta loo weeraray waxaa loo maleynayaa, dhaliilo kul kulul oo muddooyinkanba uu Madaxda Dowladda u marinaayay Warbaahinta