Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Waqooyi Bari ee dalka Suuriya ayaa bilaabay in ay iskaga baxaan aaggaas ka hor inta uusan bilaaban hawlgalka Turkiga oo dagaalyahanka kooxda Kurdishka ay sheegeen in uu keenayo in guulihii laga gaaray kooxda Daacish ay noqdaan waxba kama jiraan.
Kooxda YPG ee Kurdishka ah ayaa ku tilmaantay go`aanka Mareykanka dhabar jab weyn oo ku yimid kooxda oo sheegtay in ciidan gaaraya 10,000 ay ku weysay dagaalkii kooxda Daacish.
Ciidamada Mareykanka ayaa taageeri doonin kuwa Turkiga, kumana sugnaan doonaan aaggaas sida ay qoraal ku sheegtay xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad Stepanie Grisham .
Ilaa iyo hadda ma cadda in tallaabada Mareykanka ay micnaheeda tahay in ay doonayaan in ciidankooda gaaraya kun (1000) askari ay gabi ahaanba kala baxaan Waqooyi Bari Suuriya oo Mareykanku hawlgallo ka dhan ah Daacish uu in muddo ah ka waday.
Turkiga ayaa sida war qoraal ah oo soo baxay lagu sheegay mar dhow waxay horay u wadi doonaan qorshahoodii hawlgalada Waqooyiga Suuriya. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in mar kasta la filan karo bilaashada hawlgalka ka dhanka ah waxa uu ku tilmaamay argagixiso.
Sarkaal Mareykan ah ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ciidan Mareykan ah oo ku sugnaa labo bar ilaalo oo ku kala yaal magaalooyinka Tal Abyad iyo Ras Alain ee ku teedsan xuduudda Suuriya ay iskaga baxeen, halka qaar kalena ay wali aagga ku suganyihiin.
Mareykanka ayaa u muuqda in uu ka tagay saaxiibadoodii Kurdishka, laakiin Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Mareykanku ay dhaqaale ahaan ku adkeyd in sii wadaan taageeraha kooxda YPG oo Turkigu u arko koox argagixiso.
Turkiga ayaa doonaya in ay Suuriya ka dhisaan aag nabadgalyo ah si qaxootiga gaaraya 3.6 Milyan ee u dhashay dalka Suuriya loo soo celiyo. Qaxootiga Suuriya ee ku sugan Turkiga ayaa noqday qodob aad looga doodo siyaasad ahaan gudaha Turkiga maadaama Turkigu uu ka jiro dhaqaale fadhi keenaya in ajnabiga la naco.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in khatar ay ka soo fool leedahay waqooyi bari Suuriya, laakiin ay u diyaar yihiin xaalad kasta.
Ruushka oo aad u taageera dowladda Suuriya ayaa ku booriyay Turkiga oo ay siyaasad ahaan isku dhawoyihiin in ay ixtiraamto madaxbannaanida Suuriya. Turkiga ayaa se ku adkeysaneysa in kooxda YPG ay khatar ku tahay amniga dalka Turkiga , lagama maarmaana ay tahay in laga saaro deegaanada waqooyi bari Suuriya oo ku dhow xuduudda Turkiga.