Wararka laga helayo dhulka Falastiiniinta ayaa waxaa ay sheegayaan in askarta dowladda Israel, ay dileen will yar oo Falastiini ah kaasi oo ahaa qof aan hubaysnayn.
Dhacdada dilka wiilkan Falastiiniga ah lagu dilay ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday bariga Magaalada Nablus ka dib markii sida la sheegay isku dhac uu dhex maray dhalinyaro reer falastiin ah iyo ciidamada ammaanka dowladda Israel.
Television-ka Aljazeera laantiisa afka Ingiriiska ayaa Ku warantay in wiilka la dilay lagu magacaabayay Imayyer Shehadeh.
Dhacdada lagu dilay wiilka 23 sano jirka ah ayaa sidoo kale waxaa lagu dhaawacay wiil kale oo yar kaasi oo da’diisa lagu sheegay 14 sano jir.