Ciidamada Israel oo dilay 4 qof 645 kalena dhaawacay

973

Dadka reer Falastiin ayaa Jimcihii Shanaad oo xiriir ah dibad baxyo ka dhigaya guud ahaan deegaanada Falastiiniinta gaar ahaan magaalada Qaza.

Wararka laga helayo dhulka Falastiin ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Israel maanta oo Jimco ah ay toogasho Ku dileen in ka badan Afar qof oo ka mid ahaa dibad baxayaal reer Falastiin ah oo banaanbax ka dhigay ay xadka magaalada Qaza ay la leedahay Israel.

Dibadbaxyadan ayaa Falastiiniinta waxaa ay dhigaan sanad walba xiligan oo kale, ayagoo Ku xusaya maalinta “Nakba” (Musiibo) oo ah maalintii dhulka Falastiin laga hergaliyay Dowladda Israel.

Tan iyo intii banaanbaxyadu ay bilaabmeen 30-kii bishii Maarso ee aynu ka soo gudubnay, ciidamada Israel ayaa la sheegay in ay dileen 39 qof kuwaasi oo ka mid ahaa dibadbaxayaasha Falastiiniinta ee magaalada Qaza.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale waxaa ay dhaawaceen in ka badan 4,000 oo qof oo reer Falastiin ah tan iyo intii ay banaanbaxyadu bilowdeen, sida ay sheegtay wasaaradda Caafimaadka Qaza, oo ay maamulaan Kooxda Xamaas .

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in Afarta qof ee maanta dhintay uu ka mid yahay  Mohammed Ibrahim Ayyoub, oo  15-sano jir banaanbaxyaashu kaga soo biiray  xaafadda  Jabalia, oo ka tirsan magaalada Qaza.

Ashraf al-Qidra, oo ah Afhayeen u hadlay wasaaradda Caafimaadka ayaa warbaahinta waxaa uu u sheegay in maanta oo Kali ah ciidamada Israel ay dhaswaceen 645, qof oo reer Falastiin ah oo 29 ka mid ah ay carruur yihiin.