Ciidamada dowldda oo Shabaab kala wareegay deegaanno ay hore uga talin jireen

461

Ciidanka xoogga dalka saakay howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Jubada Hoose ayey kula wareegeen deegaanno cusub oo hoos yimaada magaalada Jamaame.

Ciidanka militariga Soomaaliya ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaannada Xeyneeroow, Soomareey iyo Janaanle, oo dhammaantood hoos yimaada magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Ugu yaraan 6 dagaalyahan oo ka tirsanaa ururka al-Shabaab ayay sheegeen ciidanka xoogga in ay howlgalka ku dileen.

Taliyaha qeybta afartan iyo sadexaad ee ciidanka xoogga Sarreeye guuto Maxamed Maxamuud oo la hadlay Idaacadda codka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in ay jiraan dagaalyahanno ay nolosha ku soo qabteen ayna u gudbiyeen goobihii loogu talagalay.

SHARE