Ciidamada Dowladda oo Mashaarkooda Iligtoronik laga dhigayo (Sawiro)

981

Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta Daahfuray Diwaangalinta Ciidamada Xooga Dalka oo markii ugu horeysay Taariikhda Soomaaliya Askari walbo Mushaarkiisa uu ku qaadan doono AKOONKIISA gaarka ah.

Arintaan oo uu hormuud ka yahay Wasiir Beyle ayaa ujeedkeedu waxa uu yahay in laga gudbo Nidaamka Lacagaha Kaashka ah gacanta loogu qeybiyo Ciidamada taasoo mudooyinkii lasoo dhaafay la isticmaalayay.

Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale ayaa tilmaamay hadii tallaabadan si rasmi ah loogu guuleysto in ay noqondoonto mid wax badan ka badasha baahida Ciidanka ay u qabaan helida mishaar joogta ah.

Diwaangalinta Ciidamada Xooga Dalka ee Xisaabta shaqsiyadeed waxaa si gaar ah maanta loogu bilaabay Ciidamada Milatariga Guutada Madaxtooyada.